25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Milkiilaha Shabelle iyo weriyayaal lagu riday xukunno kala duwan + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dacwad maalmahan ka socotay maxkamadda gobalka Banaadir oo ku aadan gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareysta.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo maxkamadda ku sugan ayaa soo sheegay in goordhow la soo gabagabeeyay kiiskaa isla markaana uu go’aankii ugu dambeeyay ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Gudddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay ugu horreyn in agaasimaha Idaacadda Shabeelle lagu xukumay hal sanno oo xarig isla markaana uu iibsan karo.

Sidoo kale Xaashi wuxuu sheegay in gabadha suxufiyada ee sheegtay in la kufsaday lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dibed joog ah.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka soo muuqday muuqalka gabadha la warestay ayaa isna lagu xukumay lix bilood oo xarig waxaana la sheegay in uu iibsan karo.

Guddoomiyaha muusan sheegin lacagta lagu iibsan karo xarigga agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalin Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi.

Si kastaba, waxaa maxkamada ka hadlay qareenada u doodda gabadha dhibanaha iyo wariye Maxamed Bashiir Xaashii oo wareytay gabadha suxufiyada ee lagu magacaabo Faadumo Cabduqaadir Xasan.

Qareenada ayaa sheegay in la kufsaday gabadha oo ay kufsadeen wariyaasha kala ah Cabdicasiir Maxamuud Guuleed “Afrika” iyo Jibriil Maxamed oo ah sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho.

Mid ka mid ah qareenada u dooddaya gabadha dhibanaha iyo wariyaha ayaa maxkamadda laga saaray.

Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed wuxuu maxkamadda ka sheegay in dhammaan kiisan uu yahay mid la soo dhoodhoobay oo lagu doonayo dane kale.

Wuxuu tilmaamay in gabadha la baaray oo lagu waayay wax kufsi sida uu goobta ka sheegay.

Intaa kaddib waxaa kaloo maxkamadda ay dhageysatay dacwad loo heesto mulkiilaha Idaacadda Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, waxaana lagu soo eedeeyay in uu Idaacadda Shabeelle iyo idaacad oo lagu magacaabo SKY uu adeegsaday in lagu dumiyo qaranka iyo maslada shacabka Soomaaliya.

Cabdimaalik ayaa goobta ka sheegay in uusan waxna qorin Idaacadana uusan ka hadlin dhammaan wax yaabaha lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwa looga gun lee yahay in lagu aamusiiyo Idaacadiisa.

Cabdicasiis Afrika oo isna lagu eedeeyay in uu kufsaday gabadha dhibanaha ayaa maxkamadda ka sheegay in kiiskaas dartiis uu ku burburay qoyskiisa sida uu hadalka u dhigay.

cabdimaalik-bashiir-cabdimaalik-bashiir-2xabsiwariyeyaalcabdimaalik-bashiir-5cabdimaalik-bashiir-7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News