25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xaruntii hore ee gobolka Banaadir (Fisho Governo) oo dib loo dhisaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu dhagax dhigay Dhismihii horre ee xarunta gobalka Banaadir (Fisho Governo)

Guddoomiye ku xigeenk gobolka Banaadir, Imaan Nuur Iikar, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu billaabay dhismaha xarunta Viisha Gobeerna” oo degmada Xamar Weyne ku taalla.

Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan dadka ku xeel dheer dhismahan ay kala tashan doonaan dhismaha xarunta maamulka Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdulaahi Sahal Gardhuub, wuxuu sheegay in uu maamulkiisa uu soo dhaweenayo dhismaha xaruntii lagu yaqiinay dowladda hoose.

Dhismaha xaruntii gobalka Banaadir waxa 23-kii sanno ee la soo dhaafay hooy uu ahaa qoysas ka soo cararay dagaalada ka dhacay dalka Soomaaliya.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhawaan ku amaray dadka iska leh guryaha ku burburay dagaaladii sokeeye ee Muqdisho in lagu dhiso muddo seddax bil haddii kale ay la wareegi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Mudisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News