25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dhageyso: Gole Wasiiro oo liddi ku ah kuwa A/Madoobe oo lagu dhowaaqayo iyo dagaal laga cabsi qabo, Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo – Iyaddoo laba maalmood un laga joogo markii lagu dhawaaqay wasiirada maamulka Jubba ee uu Axmed Madoobe magacaabay  ayaa waxaa arrintaasi si adeg uga horyimid Col, Barre Aaden Shire Hiiraale.

Afhayeen u hadlay maamulka Col, Barre Hiiraale  oo maanta wareysi uu bixiyey uga hadlayey mowfiqka ay ka taagan yihiin arrintaasi ayaa waxaa uu sheegay inay arrintaasi u arkaan mid carqalad ku ah dib u hishiisiintii lagu socday ee Jubooyinka iyo Gedo.

” Waxaan u arkaa wasiirada la magacaabay kuwa carqalad ku ah dib u hishiisiintii iyo wadahadaladii socday. Sidaasi darteed aad ayaan ugasoo horjeednaa” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame oo intaasi ku daray.

” Haddiiba ay sidaasi sameeyaan anagana waxaan bilaabeynaa in aan dhawaan kusoo dhawaaqno wasiiradii maamulkeena oo ay u dhanyihiin dhamaan qabiilada degan gobollada Jubooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Afhayeenka Barre Hiiraale.

Xasan Qaasim Warsame oo la weydiiyey inaysan ku qanacsaneyn wasiirada kasoo jeeda gobolka Gedo iyo Jubooyinka oo ay reer ahaan is xigaan ayuu sheegay inaysan taasi ku qanacsaneyn oo aysan xitaa shacabka Gedo arrintaasi ay la qabaan.

” Waxaan ku sheegayaa arrintaasi anaga iyo shacabka Gedo iyo Jubooyinkaba kuma qanacsana, marka waxaan dhihi karaa waa waxba kama jiraan magacaabistoodaasi”

Mar la weydiiyey wasiirada ay soo magacaabayaan meesha ay ka shaqeyn doonaan maadaama ay banaanka ka joogaan magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay banaanka joogana balse ay heystaan taageerada shacabka gobollada Jubooyinka kuwaasi oo sida uu sheegay kasoo horjeeda cadow goboolada xoog ku heysta.

” Banaanka waan joognaa laakiin shacabka ayaa ina taageersan kuwaasi oo raba in maamulkeena fido,halka kan kismaayo jooga uu noqdo mid xabsi isaga jira. Sidaasi darteed waxaan qabaa keena ayaa jiri doona” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Waxaana u dhinaca kale meesha ka saaray inay marna u tanaasuli doonin maamulka Ahmed Madoobe, maadaama buu yiri ay yihiin kuwa cadaw u hiilinaya, halka ay dhankooda ay u taagan yihiin wax ka qabashada cadowga iyo dib u xoreynta gobolladaasi. Waa sida uu hadalka u digay Xasan Qaasim Warsame.

” Kismaayo habeen iyo maalin kama maqnin waana joognaa. Waxaana ku sheegayaa in aan kasaari doono dabadhilifka jooga. Waxaana tilaabadaasi qaadi doonaa marka aan wasiirada soo magacaabano” ayuu yiri afhayeenka Col, Barre Hiiraale.

Wasiirada maamulka Jubba oo 9 ka mid ah lagu dhawaaqay islamarkaana ay dhiman yihiin 6 kale in la magacaabo ayaa waxaa soo wajahay caqabado iyo mucaaradad uga imaaneysa saxiixayaashii shirkii Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka.

Halkan Hoose ka dhageyso wareysiga 

Wareysi-Xasan-Kaafi-Warsame-07-12-2013-3

Isha warka: Kismaayo24.net

- Advertisement -

Read more

Local News