Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay ku soo qulqulaayay rag badan oo isu soo taagay in ay noqdaan Ra ‘iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Kuwii ugu dambeeyay saaka ayay Muqdisho kasoo degee, sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo Shabakadda Caasimada Online la hadlay.
Waxaa kaloo jirra dad iyagu aan xilka dooneyn oo Muqdisho ku sugan ee u raba shakhsi ay kafiil ka yihiin oo ay rabaan in ay geystaan xafiiska hadda bannaan, ee ay Soomaalida oo idil isu garbinayaan.
Ragga ugu cad cad waxaa ka mid ah Dr. Xuseen Cabdi Xalane oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay dalka iyo dibediisa.
Xuseen Cabdi Xalane waxa uu kasoo jeedaa beesha Absame, waxa uuna ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii TAYO ee ra’iisul wasaare Maxamed Cabdi Farmaajo.
Xalane ayaa tagay Muqdisho maanta, waxaana lagu warramayaa inuu iminka booska koowaad kaga jiro liiska xubnaha uu madaxweyne Xasan Sheekh ka fekerayo inuu u magacaabo xilkaas.
Ka hor inta aan lagu dhowaaqin ra’iisul wasaaraha cusub wax walba ayaa is-beddeli kara, balse illaa iyo hadda xubnaha doonaya jagada waxaa lagu warramay inuu Xalane horboodayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho