Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole oo kasoo laabtay safarkii Jigjiga uu ku tagay ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa, isagoo ku tilmaamay macna laawe, lug gooynayo danaha iyo jiritaanka Puntland.
Faroole wuxuu anshax laawe uu ku tilmaamay Cabdiweli Gaas oo uu sheegay in uusan aqoon u laheyn xafiis dowladeed iyo siyaasad, balse aqoontiisa ay tahay mida dhaqaalaha ee uu bartay.
“Cabdiweli Gaas, shaqo dowladeed hal sano ayuu qabtay, xafiiska ugu sareeyo ee Soomaaliyana inuu fadhiisto aniga ayaa ugu wacnaa, intii laga filayay inuu Puntland wax u qabto wuxuu bilaabay kala qeybinta bulshada Puntland iyo inuu aflagaadeeyo dadka”ayuu yiri Faroole.
“Waan la yaabay, wuxuu leeyahay dad baa barwaaqo gaarsiinayaa, weligiisna xafiis halkaas ku yaal oo aan aniga geeyay ayuu hal sano fadhiyay, Macallin buu ahaa jeesto wax ku dhigo, intuu ka tegay macallinimadiisa ayuu galay shaqo aan howshiisa aheyn”ayuu yiri Faroole oo intaa ku daray in aysan habooneyn in la doorto Gaas.
Hadalada Faroole ayaa ahaa kuwo aan wax lala harin, wuxuuna Musharaxiinta qaar uu ku tilmaamay kuwo mushaar ka qaata magaalada Muqdisho, ujeedadooduna tahay in la burburiyo Puntland.









