Garoowe (Caasimada Onine) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay shir saxaafadeed ay qabteen afar ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha Puntland.
Waxa ay goobta ku soo bandhigeen qoddobo muhiim ah oo ay sheegeen in loo baahan in la hirgaliyo ka hor inta aysan dhicin doorashada 8-da bisha Janaayo ee sannadkan 2-14-ka.
Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharixiinta hadlay ayaa sheegay in ay isla garteen seddax qof oo muhiim u argeen kuwaasoo kala ah:-
In la isku raaco guddiga xalinta khilaafaadka, In la qeexo doorka isimada ay ku lee yihiin doorashada iyo dhammaan musharixiinta Puntland in ay ka soo qaybgalaan shirweyne ka dhacay maalinta Sabtida ee soo socda magaalada Garoowe.
Wuxuu sheegay ii kale in ay soo dhaweenayaan guddi siddeed ah oo dhawaan musharixiinta Puntland ay ku dhawaaqeen magaalada Boosaaso.
Ugu dambeyn Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa tilmaamay madaxweyne Faroole in ay u direen casuumad ku saabsan in uu ka soo qaybgalo shirwayne ka dhacaya magaalada garooowe toddobaadka soo socda.
Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin siddii ay ula fadhiisan lahaayeen Madaxweyne Faroole loona dhammeen lahaa khilaafka ka aloosan isaga iyo qaar ka mid ah musharrixiinta si looga shaqeeyo danaha reer Puntland.
Si kastaba, hadalka ka soo baxay musharixiintan ayaan ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Garoowe uu ku soo laabtay madaxweyne Faroole kaasoo weerar afka ah ku qaaday raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe