A/Madoobe: Kheyre waxaa ka dambeeya Farmaajo oo aan ugu tagayaa Xamar

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu safar ku tagi doono magaalada Muqdisho, kaasi oo kadambeeyay kadib kulankii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa safarkii magaalada Muqdisho wuxuu la xiriiraa sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhameeyo heshiis dhexmara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay inuu dhamaaday khilaafkii jiray.

“Waxaa jira madmadow inta badan la sheegayay, waxaan u malaynayaa iscafis guud ayaa ka dhacay Garowe,  oo madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay eray sax ayuuna ahaa, Safarka Kheyre uu ku tagay Kismaayana hoos u dhaqida madmadowga ayuu qeyb ka ahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya inuu tago Kismaayo inay ka qurux badan tahay in isaga uu yimaado magaalada Muqdisho.

“Waxay noqoneynaa madaxweynaha inaan meeshiisa ugu tagno oo wax walbaa aan dhameyno, waxaana isla qaadanay in madaxweynaha inuu yimaado iyo in loo tago, inay ila wanaagsan tahay in loo tago, islamarkaana la dhameeyo waxii jiray, Kheyre wasiirada iyo xubnaha la socday anagaa dalbanay si wasaarad walbaa waxii aan ka tabaneyno loo dhameeyo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa is qabtay sanadkii 2018, waxaana kadib dowladda ay heshiisyo la gashay maamulada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com