VILLA SOMALIA waxay ka sheekeeneysaa xaalad nooc kale oo aynan ogeyn

Amni Hagaayay, Dhaqaale Kordhay…..

Waddanka oo dhan dibad bax rabshado wata ayaa ka socda; shacabka in badan oo ka mid ah waddooyinka ayay xirteen, mucaaradkana warbaahinta ayay warar dhaleeceyn ah u marinayaan xisbiga talada haya, “xukuumadda ayaa ma mas’uul ah in shacabka ay dhibaato heerkaan la eg soo gaarto”.

Waa Poland 1981, mushkilad cunto yari ayaa ka dilaacday dalka. Asagoo ka walaacsan mushiladda taagan, ayuu Ra’iisul Wasaariha u wacay wasiirkiisi beeraha, dalagga iyo waraabka si uu xaalka uga waraysto.

RW: Xaaladda guud iyo sahayda raashinka ka waran?

Wasiir: wax dhib ah ma jiraan, wax nagu filan 3.5 sanno celcelis ahaan waa noo yaallaan.

RW: Ka waran bariis iyo digir?

Wasiir: Wax nagu filan 3 sannadood ayaa ka yaalla labadaas.

RW: Ka waran qamadiga?

Wasiir: 2 sanno in nagu filan waa yaallaan.

RW: ka waran sokor iyo saliid…?

Wasiir: La isma weydiiyo kuwaas, qaar aan hadda soo iibinay, iyo kuwii bilihii hore ka haray ayaa yaalla.

RW caro ayuu la istaagay: Oo kaalay marka shacabka dibad baxaya iyo mucaaradka buuqaya maxay u dan leeyihiin?

Wasiir: Alla.. Allla… Ra’iisul Wasaare xaaladda qaranka miyaad iga waraysanaysay, midda gurigayga ayaan ka hadlayay….kk

Marka mas’uuliyiinta Villa Somalia ay ka soo yeerto amni baa la sugay, dhaqaalihii baa sare u kacay, qaranimadii ayaa soo noqotay, xaaladda nooca ay ka sheekeynayaan waan ku wareeray…

Kolay waa dad mas’uuliyiin ah, been kuma tuhmayo, warkoodu ma laha waa sax ee xaalad kale ayay ka hadlayaan.

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid