A/Madoobe oo ka hadlay xildhibaanada cusub ee Jubaland looga dhowaaqay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xalay lagu dhowaaqay islamarkaana maanta lagu dhaariyey Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu xubnahan cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajeeyey in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan.

Dhamaan shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Axmed Madoobe waxa uu intaas ku daray in amaanka iyo midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com