A/Madoobe oo safarkii ugu horreeyey ugu baxay Kenya tan iyo dib u doorashadiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, kadib doorashadii dib loogu doortay maamulkaasi.

Axmed Madoobe iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar qaas ah ka qaaday gudaha magaalada Kismaayo, taas oo si toos uga dajin doonto Nairobi, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa salka ku haya labo arrin oo kala ah xal u raadinta xiisada ka taagan gobolka Gedo iyo kulamo uu la qaadanayo maxda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Niarobi kula kulmi doono siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Gedo oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolkaasi, si xal waara loogu helo arrimaha ka dhanka ah Jubbaland ee ka soo cusboonaaday halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu mas’uuliyiinta Kenya kala hadlo arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan go’ddoonka la galiyey maamulkaasi.

Kenya ayaa si dhow u taageerto maamulka Axmed Madoobe, waxaana xafladdiisii caleema saarka ay u soo dirtay wafdi culus oo tegay Kismaayo, islamarkaana jabiyey xayiraad dhinaca hawada ah oo ay dowladda dhexe saartay duulimaadyada magaaladaaasi.