Aadan Barre oo raali-gelin ka bixiyay hadalkii carada abuuray ee ka dhanka ahaa…

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu 8-dii bishan ka jeediyay Masaajid cusub oo laga daahfuray Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Masaajidkan ayaana loogu magac-daray Masjidka Albir.

Wasiirka ayaa Maamulka Masaajidka kula dardaarmay in laga ilaaliyo dadka Takfiirka ama Suufida ah, sida uu yiri.

Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku nool Magaalada Mandhera oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhalleeceeyay hadalka Wasiirka, iyagoona iftiimiyay sida ay uga xun yihiin, waxayna Wasiirka ka dalbadeen in hadalka ka soo yeeray uu raaligelin ka bixiyo.

Aadan Barre Ducaale ayaa hadda raaligelin ka bixiyay hadalkiisa, isagoona muujiyay inaanu uga la jeedin in cid gaar ahi uu ku weeraro, balse ay ka ahayd uun in dadka uu u nasteexeeyo.

“Dadka uun baa u nasteexaynayay oo ummadda ayaan la hadlayay, maxaa yeelay Masjidkan sidaan u fiican waa in loo raadiyaa Imaam, mu’adin iyo culimo kale oo kutubka Ilaahay laga akhriyo,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Qof kasta ayaa ah Ahlu Sunna Waljameeca, aniga kula hadlayo Ahlu Sunna Waljameeca ayaan ahay, oo Ahlu Sunna Waljameeca cid gaar u leh ma jirto, laakiin waxaan ka sheegay Masjidka ha laga ilaaliyo qolooyinka Takfiirka ah iyo qolooyinka aan walaalaha nahay ee Suufiyada. Qolooyinkan markay Masjid dhisaan waxay dhahaan dadka kale ha laga ilaaliyo.”

Wasiir Ducaale ayaa intaasi ku daray “Marka hadday jiraan dad ka xumaaday hadalkayga qayb ka mid ah dadka Muslimiinta, waan ka raaligelinayaa, inkastoo fekerka aan qabo, haddaan ahay Aadan Barre Ducaale aan bedelaynin.”

Masjidkan oo qaab qurxoon loo dhisay ayaa waxaa dhistay Hay’adda Ali Roba Foundation, oo uu gacanta ku hayo Senator-ka Mandhera, Cali Ibraahim Rooba.