Israa’iil oo iska dishay xubno gacanta uga jiray Xamaas iyo Mareykanka oo wada qorshe…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iyadoo in ka badan 18 kun oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen dagaalka Israel iyo Xamaas, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Biden ee Mareykanka waxa uu sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Israel inuu wajiga dagaalka uu bedelo oo howlgalladan culus uu ku bedelo kuwo bartilmaameedsan.

La-taliyaha amniga qaranka ee dowladda Mareykanka ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, si uu kaga dhaadhiciyo in la bedelo xeeladda dagaal ee Israa’iil ay ka wada Qaza.

Wuxuu sheegay in bartamaha bisha soo socota ay Israa’iil la imaa doonto qorshe bartilmaameed oo cusub oo ka dhan ah Xamaas, iyadoo la yareynayo khasaaraha shacabka.

“Israa’iil waa inay wax u fahanto sida uu Biden wax u fahamsan yahay, dhimashada kumanaanka shacabka ah ee Falastiin ma ahan mid sii soca karta, xaq ay Israa’iil u laheed inay is difaacdo ayaa hadda ayada ku soo noqday oo weji kale yeeshay, marka waa inay wax ka bedesho qorshaheeda dagaalka oo ay la timaado dheeli tir,” ayuu yiri sarkaalka Mareykanka ah.

Dhinaca kalena Israa’iil ayaa sheegtay inay si qalad ah Waqooyiga Gaza ugu dishay saddex ka mid ah la-haystayaashii Israa’iiliyiinta ahaa ee kooxda Xamaas ay ku qafaalatay weerarkii culaa ee Israa’iil ay ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan IDF ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda uu arkay la-haystayaasha oo ka soo baxayay dhisme iyaga oo feera qaawan, isla markaana kor u taagaya mara cad oo ay ul sureen.

“Askariga ayaa dareemay cabsi, wuxuuna ku furay rasaas, isagoo sheegay in raggaasi ay ahaayeen argagixiso,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan IDF.

Labo nin oo la qafaashay ayaa isla markiiba la dilay midna waa la dhaawacay, wuxuuna dib ugu carary dhismihii ay kasoo bexeen, intaas kadibna waxaa la ogaaday in ragga la toogtay ay ahaayeen Israa’iiliyiin ka soo baxsatay xabsiga Xamaas.