Sh. Aadan Madoobe: DFS ha oggolaato rabitaanka shacabka 6-da gobal ee…

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay maamulka loo sameenaayo gobalada koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan gobaladaas in ay rabaan siddii ay ku sameesan lahaayeen maamul lix gobal ka kooban.

Aadan Madoobe ayaa caddeeyay in uu ka mid yahay xildhibaannada taageersan maamulka lixda gobal isla markaana uu diyaar u yahay siddii uu u garab istaagi lahaa maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Aadan Madoobe iyo xildhibaanno uu hoggaaminaayo ayaa shaley gaaray magaalada Baydhabo, waxaana ay wadaan qorshe lagu hirgalinaayo maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in maamulka inta badan uu dhisan yahay kaliya ay ka dhimman yihiin wax yaabo yeryer.

Magaalada Baydhabo waxaa kaloo horey ugu sugnaa guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo kulamo la qaatay dhinacyada kala sheeganaya labada maamul balse ilaa hadda wax xal ah kama aanu gaarin.

Sidoo kale magaalada waxaa gaaray Arbacadii wafdi kale oo uu horkacaayay guddoomiyhii hore ee baarlamaanka, Shariif Sheekh Aadan.

Xaaladda magaalada ayaa deggan, balse labada maamul ayaa mid kasta ku dhaggan mowqif aad u fog.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com