Sawirro iyo Codad: Yaa Prof. Galayr ka beddelaya kursigii BF SOOMAALIYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay bulshada Reer khaatumo iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Soomaaliya ay kusoo dhoweeyeen Yuusuf Maxamed Cali Bulay oo ah Xildhibaanka Cusub ee bedelaya Booskii Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.

Waxaa goobta laga soo jeediyo Hanbalyo ku aadan Xildhibaanka cusub ee bedelaya Dr Cali Khaliif Galaydh oo horey uga Tirsanaa Xildhibaanada Dawlada soomaaliya, Haatana loo doortay Madaxwaynaha Cusub ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State.

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa markii Bulshada deeganada SSC ay u doorteen Madaxwaynaha Khaatumo State, Wuxuu sheegay inuu waxkasta uga tanaasulayo Xilkaasi loo doortay iyo siduu bulshada deeganaadaasi horumarkooda uga shaqayn lahaa.

Dheyayso Xildhibanka Cusub & Hadalkii Pro. Cali Khaliif

khat1khat2khat3