Sawirada gabdho Somali ah oo noqday haweenka ugu halista badan dunida

Laba habllood oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday todobada Hablood ee dunida ugu qatarsan kana tirsan ISIS, Sida ay baahisay Jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa lagu soo daabacay asbuucan.

Todabada Haween ee ugu qatarta badan kana tirsan Ururka Daacish ayaa waxaa la sheegay in laba hablood oo Soomaali ah ay ka mid yihiin hablaha ka dagaalama dalka Suuriya iyo Ciraaq.

Labadan gabdhood ee Soomaalida ah ayaa ku dhashay dalka Ingiriiska, waxaana lagu kala magacaabaa Zahara iyo Salma ayagoo u tagay dalka Ciraaq in ay ka dagaalamaan , ayagoo xubna firfircoon ka noqday ISIS oo loo yaqaan Daacish, labadan gabdhood midood ayaa la baxday magaca Umu jacfar ayagoo guursaday rag ka tirsan Daacish.

Zahara iyo Salma iyo Hoggaamiyaha ISIS
Zahara iyo Salma iyo Hoggaamiyaha ISIS

Waxey sheegeen gabdhahani iney ku farax sanyihiin inay ka barbar dagaalamaan ragooda ayagoo balan qaaday ineysan ku laaban doonin dalka Ingiriiska oo ay dhalasho ka haystaan. Zahara iyo Salma ayaa la sheegayaa in ay si fiican ugu tababarteen sida Hubka loo isticmaalo waana Mantaano.

Ururka Daacish ayaa leh kooxo naaga ah oo ka barbar dagaalama ragga ayadoo ay ka yimaadeen hablaasi dunida dacaladeeda kuwa ugu qatarta badan ayay jariiradada sheegtay iney ka soo kala jeedaan Sacuudiga , Suuriya , Tuunisiya , Soomaali dhalasho ka haysata Ingiriiska.

Salma iyo Zahara waa mataano
Salma iyo Zahara waa mataano

Hablahan ka tirsan Daacish ayaa qaar ka mida u xilsaaran yihiin inay baaraan haweenka mararka la qabanayo isku imaadyada madaaama raga loo ogoleyn inay baaraan Haweenka.

Hablaha ku soo biira Ururka Daacish ayaa shuruud looga dhigaa in aysan hore u soo guursan oo da’dooduna u dhexeyso 18-25 sano, ayadoo gabadhii intaa ka weyn aan loo ogoleyn inay ka barbar dagaalanto raga , waxaa kale oo la sheegayaa in Mushaar 250 doolar ah bishii la siiyo hablaha ka midka ah ciidamada ee ka barbar dagaalama raga.