Danjire Axmed Cabdisalaam oo faah faahiyay xiriirka Soomaaliya & Ethiopia

Minneapolis (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika, Ambassador Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa lagu casuumay in uu ka hadlo Jaamacad Maraykanka ku taalla, wuxuuna ka warbixiyay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Danjire Axmed ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu aad wanaagsan yahay isla markaana Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo 10 gaaraya kuwaasoo ay ku jiraan, arrimaha ciidamada, waxbarashadda, ganacsiga iyo hawada.

Wuxuu sheegay oo kale in labada dal ay yihiin kuwa xor ah, sidaas darteed ay lee yihiin dano isku mid ah iyo in ay ka shaqeeyaan siddii loo xoojin lahaa danahaas.

Mar ka weydiiyay sidda uu arko xalka Afrika, wuxuu tilmaamay dhibaatada Afrika in ay xallin karto uun Afrikaanka oo meel kale aan laga raadin karin balse ay jiraan wax yaabo ay wadaagaan qaarada iyo caalamka oo dhan sidda la dagaallanka argagixisada.

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warramo qunsiliyadaha ay dalalka dariska ka furanayaan magaalooyinka qaar, wuxuu tilmaamay in ay wadaan qorshayaan ay qunsuliyad uga furanayaan magaalada Jigjiga maadama halkaas ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in dad badan oo Soomaali ah ay qabaan in madaxda Soomaalida looga yeero Addis Ababa, wuxuu arrintaas ku sifeeyay in labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah isla markaana loo baahan yahay in ay arrintaas kala tashadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com