JAWAARI oo uu xaalka ku xun yahay !!!

Baydhabo (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maalintii 4-aad ku sugan guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari waxaana uu ku howlan yahay siddii u soo afjari lahaa ismaan dhaafka ka dhexeeya maamulka iska soo horjeeda ee magaalada ka dhisan iyo in la sameeyo hal maamul oo loo dhan yahay.

Jawaari ayaa tan iyo markii uu magaalada tagay wuxuu kulamo gaargaar ah la yeeshay ergo mataleysa labada dhinac, wax garad iyo odayaasha magaalada, wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay siddii meesha looga saari lahaa khilaafka magaalada ka taagan.

Ilaa hadda kulamada uu la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dhinacyadaas wax natiijo ah kama soobin bal meelaha qaar wuxuuba kala kulmay diidmo qayaxan sidaas waxaa noo sheegay dad ku sugan Baydhabo.

Labada dhinac ayaa mid kasta ku adkeesanaya maamulka uu sheeganaayo, waxaana adag in xaalka uu soo afjarmo.

Magaalada Baydhabo waxaa shaley tagay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, balse ma uusan u galin gudaha ee garoonka diyaaradaha ayuu kula kulmay guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna kala hadlay wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii uu yimid.

Ma cadda wax yaabaha ay labada nin ka hadleyn maadama saxaafadda loo diidday in ay goobjoog ka ahaadaan.

Magaalada sidoo kale waxaa gaaray xildhibaanno ay kala hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Aadan Madoobe oo kala taageersan labada maamul.

Si kastaba, waxaa muuqata in uu Jawaari ku adkaatay xal ka gaarida maamulada iska soo horjeeda ee Baydhabo looga dhawaaqay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com