FAARAX C/QAADIR oo xabsi u badalaya Isbitaal caan ah oo Muqdisho ku yaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirka caddaallada iyo dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqaadir uu wado qorshe xabsi loogu badalaayo Isbitaalka Keesaneey ee duleedka Muqdisho ku yaalla.

Isbtaalka oo hadda shaqeeya ayaa waxaa lagu daweeyaa bukaano aad u fara badan oo qaarkood laga keeno gobalka Shabeellaha Dhexe maadama uu u dhow yahay.

Dhinaca kale, waxaa arrintaas ka soo horjeestay dadka deeganka iyo guddi ay lee yihiin iskaashitdada dhaggaxa, kuwaasoo leh haddii dowladda ay dooneyso xabsi waxaan u heynaa dhul ku haboon ee ha joojiso qorshaha ay xabsi ugu badaleyso Isbitaalka Keesaneey.

Isbitaalkan ayaa markii hore ahaa xabsi waxaana isbitaal u badalay Prof Dufle oo hadda mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda sababta keentay in xilligan dowladda ay xabsi ku badasho Isbitaalka Keesaneey oo ka mid ah Isbitaallada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com