MADOOBE oo arrimo badan kashifay !!

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana ay ku howlan yihiin siddii loo soo afjari lahaa muranka la xiriira maamul u sameenta gobalada koonfureed.

Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Madoobe Nuunow Maxamed oo weli ku adkeesanaya in uu hoggaamiyo u yahay maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Haddaba Madoobe Nuunow ayaa u warramaya VOA-da wuxuuna sheegay in magaalada Baydhabo ay kaa taagan wax uu ugu yeeray jahwareer ay sal u tahay dowladda.

Wuxuu sheegay in uu gacanta ku hayo seddax warqad oo ay soo saxiiday dowladda.

Midda hore wuxuu yiri waxaa la saxiixay sannadkii 2012-ka waxaana ay ahayd mid lagu baaqayay in la dhigo gogal lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada koonfur galbeed.

Tan kale wuxuu ku sheegay waa warqad kale oo lagu saxiixay Addis Ababa sannadkii 2013-kii taasoo dowladda ay wax ka saxiixday laguna baaqayay in la sameeyo maamul la dhaho Jubba.
Warqada seddaxaad ee dowladda ay saxiixday ayaa ah mid lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in arrimahaas oo dhan ay ka taagan tahay magaalada Baydhabo.
Waxaa la weydiiyay in ay la kulmeyn guddi farsamo oo dowladda ay soo magacowday kuwaasoo la rabo in lagau dhiso maamul seddax gobal.

Wuxuu sheegay in muranka koobaad uu yahay in uusan jirin qaanuun cad oo kala saaraya maamul u sameynta dalka iyo xadka uu la egyahay.

Wuxuu sheegay oo kale in aysan la kulmin guddiga Baydhabo ku sugan, wuxuuna weli ku adkeesanaya in ay doonayaan in maamulkiisa uu meel mariyo.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin siddii ay ula shaqeyn lahayd dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulada la dhisaayo ay yihiin kuwa kumeel gaar ah isla markaana wixii qaladaad ah ee dhaca dib laga sixi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com