DHAGEYSO: Sacuudiga oo ka fekeraya rarista qabriga nabi Muxamad NNKH

Madiina (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fekereyso qorshe looga rarayo qabriga Nebi Muxammad NNKH halka uu kaga yaalo magaalada Madina.

Wargeysyada the Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 1dii bishan ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo  wada tashi ku jirta, oo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga tasoo lagu sheegay in qabriga nabiga loo raro qabuuraha al-Baqi ee ku yaala magaalada Madina.

Halkan ka arag warbixinta The Independent 

Waxyaabaha qorshahan loo sababeeyey, ayaa waxaa ka mid ah in laga hortaggo in dadka qaar ay jaceyl dartiis u caabudaan qabriga nebiga NNKH, sidaa darteedna loo rarayo meel aanay cidna aqoon.

Dowladda Sacuudiga, oo arrintan wax laga weydiiyey waxa ay sheegtay inaysan go’aan ku gaarin inay rarto qabriga nebiga Muxammad Calayhi Salaam, balse arrintan wada tashi uu ka socdo. Si kastaba, culimada Islaamka ayaa qalad weyn u arka in xittaa arrintan lasoo hadal qaado.

Dowladda Sacuudiga waxa ay horey u bur-burisay dhismooyin taariikhi ahaa oo ku dhex yaallay masjidka Medina, ayada oo sheegtay inay ballaarineyso oo dadka uu qaadi waayey.

Qabriga Nabiga NNKH, ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka.

Sheekh Maxamed Ileeye oo imaam ka ah Masjidu Nuur oo ku yaala magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa idaacadda VOA-da ay wax ka weydiisay arrintan iyo xukunkeeda shareecada Islaamka..

Halkan ka dhageyso wareysiga