Halis laga sheegay Xafiiska XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka haya Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in xili waliba ay suuragal tahay in ay halis Amni dari ay soo wajahdo Xafiiska Madaxweyne Xassan.

Mid kamid ah Saraakiisha DF ee Xafiiskaasi Ammaankiisa ku qoran ayaa inoo xaqiijiyay in Ammaanka Xafiiska Madaxweynaha uu yahay mid aan caga fiican ku taagneyn, waxa uuna sheegay in taasi ay sabab u tahay qulqulka dadka isaga u socda oo aan xafidneyn islamarkaana laheyn Wakhti ama Ballamo.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in dadka Xafiiska kusoo booqanaayo Madaxweynaha ay u badan yihiin Siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo ku socda Madax adeeg, taasina ay sababi karto in qalqal uu galo Ammaanka Madaxweynaha,ama dadkaasi lagu soo dhex dhuunto.

“Runtii waa arrin naga yaabisay, haddii ay dhacdo dhibaato waxa la eedayo waa anaga, cilada Amni dari waxa ay ka imaada Madaxweynaha waayo waxaa u imaanayo dad aan laheyn ballan ama wakhti waxa uu leeyahay hala soo daayo, taasina Caafimaadka kuma jiro”’

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “wixii dadaal ah anaga wan muujineynaa laakin waxaa laga rabaa inuu xadido dadka shacabka ah ee uu la kulmaayo, waayo waa lagu soo dhex dhuuman karaa xili waliba”

Waxa uu ka digay in kulamada badan aan ballamaha laheyn ay galaaftaan Amniga.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in inta badan dadkaasi ay badi isku dhacaan Ciidamada AMISOM ee iyaguna qaabilsan Ammaanka Madaxweynaha, taasina ay muujineyso Amni darida ka dhalan karto Xafiiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com