Cali Maxamed Geedi iyo Yusuf Garaad oo jahwareer siyaasadeed uu haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu laaday ballan qaadkii rasmiga ahaa ee uu u sameeyay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad.

Madaxweynaha ayaa waxaa la tilmaamayaa in labadaasi Mas’uul uu u ballan qaaday inuu xilal uga magacaabayo Madaxtooyada Somalia ama safaarado, hase yeeshee ay u muuqaneyso mid aan afka dhaafsaneyn.

Geedi ayaa doonayey in laga dhigo safiirka Soomaaliya ee Brtian, halka Yuusuf Garaadna loo ballan qaaday afhayeenka madaxweynaha, balse labadaba iminka aysan muuqan.

Warar kale ayaa xittaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u ilaaliyo Xafiiska Madaxweynaha ay labadaasi Mas’uul ka hor istaageen dhowr jeer inay gudaha u gaalan Xafiiska.

Lama yaqaan sababta keentay is-beddelka looga baxay ballan-qaadyadii loo sameeyey Geedi iyo Garaad, waxaase loo badinayaa inuu is hortaagay Faarax Cqaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com