Shil diyaaradeed oo ka dhacay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhaw Shil diyaaradeed uu ka dhacay Gudaha Garoonka Aadan cadde.

Wararka halkaasi naga soo gaaraya, ayaa sheegaya in Diyaarada oo waday Rakaab, ay isku dayday inay ka kacdo Garoonka balse ay ku dhacday meel god ah.

Sargaal ka tirsan Laamaha Ammaanka Garoonka ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaarada ay laheyd Shirkada Jubba Airweys qeybteeda Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna Sargaalka sheegay in Diyaarada ay geysatay waxyeelo balse aan si rasmi ah xiligaani loo xaqiijin Karin.

Sargaalka ayaa waxa uu sheegay in Diyaarada ay aheyd nooca yar yar oo ay Jubba Airweys ugu talo gashay inay u kala gooshto Gobolada Dalka.

Dhanka kale, waxan jirin cid weli ka hadashay Khasaaraha diyaarada iyo tan dadkii saarnaa, waxaana hadda halkaasi ku sugan Gawaarida dab damiska iyo kuwa gurmadka ee AMISOM.

Dib kala soco wixii faah-faahin ah wararkeena danbe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com