Xog: Ethiopia oo dekeda Kismaayo loo xaleeleeyey iyo ciidamo ee geeneyso

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijinaaya in Ujeedka Gen. Gebra oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Dowlada Ethiopia iyo Somalia ka dhex shaqeeya, uu yahay mid salka ku haaya damaca Badda Somalia gaar ahaan Kismaayo.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayan in DF, Ethiopia “Gen. Gebra”’ iyo IGAD ay ku heshiiyeen in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM laga daadgureeyo Garoonka iyo Dekada Kismaayo, iyadoona halkaasi loo xalaaleynaayo Ciidamada Ethiopia oo qaab AMISOM ah lagu geynaayo.

Sidoo kale, wararku waxa ay tilmaamayaan in Heshiiskaasi ay si wada jir ah u wada saxiixeen Taariikhdu markii ay aheyd November 28, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam  Desalegn, IGAD  iyadoona uu Heshiiskaasi ka dhacay Xarunta Midowga Africa ee Magaaladda Addis Ababa.

Warqada laga saxiixay Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxaa la sheegayaa inay ka koobneyd 8-warqad kuwaasi oo laga maanguuriyay Nidaamka Dowlada Ethiopia, iyadoona uu Ujeedku ahaa qodobo dhowr ah oo uu Hailemariam  Desalegn u arkay inay munaasab ku tahay Hanaanka Dowladiisu waxaana kamid ahaa:-

1 – In Dowlada Federaalka Somalia, ay dacwado lid ku ah wadashaqeynta, is aqoonsiga iyo kala dambeyn la’aanta ka gudbiso Ciidamada Kenya ka jooga Kismaayo.

2 – In Dowlada Ethiopia ay cod siineyso ka bixitaanka Ciidamada Kenya Dekada iyo Garoonka Kismaayo.

3 – In Garoonka iyo Dekada lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia si ay ula wareegan Ammaanka Xarumaha DF iyo kuwa Maamulka KMG Jubba ee ku yaalla Kismaayo, iyadoona ay Ciidamada kale ee ka socda Dowladaha ku midoobay Howlgalada AMISOM ay qiimeyn guud ku sameynkaraan, balse Ethiopia loo madax baneeyo labadaasi Goobood.

Heshiiskaasi ayaa waxaa Dowlada Ethiopia goob jog uga ahaa Hailemariam Desalegn, Saraakiil Ciidan oo uu Horkacaayay Gen. Gebra, halka Somalia uu uga qeyb galay Xassan Sheekh oo kaliya, iyadoona Mas’uuliyiinta Socdaalkaasi ku wehlinaayay ay banaanka ka joogen Shirka laba Geesoodka ahaa.

Dowlada Ethiopia ayaa waxa ay hadda wadaa qorshihii ugu danbeeyay oo ay ku hanan laheyd Dekada iyo Garoonka Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Waxaa hadda Magaalada Kismaayo ku qulqulaayo Gaadiid Dagaal oo ay leedahay Dowlada Ethiopia kuwaasi oo isku diyaarinaayo ku milmida Ciidamada AMISOM ee jooga Kismaayo, iyagoona ka duulayo Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee November 28, 2013 ka dhex dhacay Xarunta Midowga Africa ee Magaaladda Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caasimada@live.com