28.8 C
Mogadishu
Tuesday, April 14, 2026

Isbitalka Dalmar oo ballaarin iyo casriyeyn ku sameeyay qeybta kelyo-sifeynta (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah loo daahfuray dib-u-habeyn, ballaarin iyo casriyeyn lagu sameeyay qeybta kelyo-sifeynta (Dialysis Unit) ee Isbitaalka takhasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar, taasoo ujeedadeedu tahay in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee dadka qaba cudurrada kelyaha.

Munaasabadda furitaanka ayaa si weyn loo agaasimay iyadoo ay kasoo qayb-galeen dhaqaatiir sare, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda Jaamacadda Benadir, maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.

Qeybta cusub ee la ballaariyay ayaa ka kooban ilaa 10 sariirood oo cusub, qalab casri ah oo lagu sameeyo sifeynta dhiigga (hemodialysis machines), iyo dhisme loo habeeyay si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee caafimaadka.

Sidoo kale qeybta cusub ayaa leh dhisme gaar ah oo loogu talagalay raaxada bukaanka iyo ilaalinta nadaafadda. Waxaa sidoo kale qeybta lagu daray nidaam koronto-degdeg ah, qaboojiye guud, iyo xarun lagu kaydiyo daawooyinka muhiimka u ah bukaanka kelyaha qaba.

Tan iyo markii la ballaariyay qeybta cusub, tirada bukaannada heli kara adeegga kelyo-sifeynta maalin kasta ayaa labanlaabantay, taasoo si weyn hoos ugu dhigtay waqtiga sugitaanka ee bukaannada.

Dhakhtarka kelyaha, ahna hormuudka qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay ballaarintan cusub.

“Soomaaliya waxaa sanad kasta ku soo badanaya bukaannada u baahan kelyo-sifeynta sababo la xiriira cudurrada kelyaha oo sare u kacay. Waxaan aragnay baahi daran oo ay qabaan muwaadiniinta, waxaana go’aansannay inaan si buuxda u casriyeyno una ballaarinno adeeggeenna. Maanta waxaan heysannaa qalab la tartamaya isbitaallada heer caalami,” ayuu yiri Dr. Caraale.

Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid muddo dheer lagu howlanaa oo ugu dambeyn mira-dhalay, isagoo xusay in qeybta kelyo-sifeynta la furay bishii Janaayo sanadkii 2022 balse haatan lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo ballaarin, iyadoo markii hore lagu bilaabay afar mashiin balse hadda, dadaal badan kadib, la gaarsiiyay ilaa 10 mashiin, markii la arkay baahida caafimaad ee bulshada oo sii kordheysa.

“Farxad ayay noo tahay maanta inaan daahfurno dib-u-casriyeyn iyo ballaarin lagu sameeyay qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar kadib markii aan qiimeynay baahida sii kordheysa ee bulshadu u qabto taasoo nagu dhiirrigelisay inaan qaadno tallaabadan. Isbitaalka Dalmar wuxuu ku dadaalayaa inuu noqdo mid hoggaan u noqda bixinta adeegyada caafimaadka tayo leh,” ayuu yiri Prof. Dalmar oo sidoo kale ka mid ah bareyaasha kuliyadda dhakhtarnimada ee Jaamacadda Benadir.

“Ballaarintan cusub waa mid ka tarjumeysa dadaalkayaga joogtada ah ee ah in qof walba oo Soomaaliyeed uu helo daryeel caafimaad oo hufan laguna kalsoonaan karo,” ayuu yiri Prof. Dalmar oo amaanay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha qeybta kelyaha sida hufan ee ay bukaannada ugu adeegaan, isagoo ku booriyay inay dadaalkooda sii labanlaabaan.

Munaasabadda waxaa sidoo kale hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday) oo amaanay furitaanka qeybtaan cusub iyo dadaalka maamulka Isbitaalka Dalmar ugu jiro sidii bulshada looga haqabtiri lahaa baahiyaha caafimaad ee jira, isagoo xusay in ardayda barata caafimaadka ee Jaamacadda Benadir ay ka faa’iideysan doonaan qeybta cusub ee kelyo-sifeynta si ay ugu kororsadaan khibrad iyo aqoon ay mustaqbalka bulshadooda ugu adeegaan, maadaama labada hay’adood uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku saabsan isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo cilmi-baarista.

Senator Prof. Dr. Cusmaan Cusmaan Maxamuud (Dufle), guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay taageeradiisa buuxda ee horumarka Isbitaalka Dalmar.

“Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan aragno hay’ad caafimaad Soomaaliyeed oo si madax-bannaan u horumarinaysa adeeggeeda. Kelyo-sifeyntu waa adeeg nololeed, ma aha adeeg la sugi karo. Waxaan ku bogaadinayaa maamulka Isbitaalka Dalmar sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo badbaadinta nolosha dadka la ildaran saameynta cudurrada raaga sida kelyo-sifeynta oo ah adeegyada caafimaad ee loogu baahida badan yahay dalka,” ayuu yiri Dr. Dufle oo maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen horumarinta adeegyada caafimaadka.

Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa sidoo kale shaaciyay inay qorsheynayaan in adeeggan la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka, iyadoo la sameyn doono xarumo-hoosaadyo la xiriira qeybta dhexe ee Isbitaalka Dalmar.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay qorshe lagu tababarayo kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ku takhasusay cudurrada kelyaha, si loo buuxiyo baahida khubarada caafimaad ee dalka ka jirta.

Ballaarinta iyo casriyeynta qeybta kelyo-sifeynta ee Isbitaalka Dalmar waxay noqonaysaa tallaabo taariikhi ah oo dhiirrigelin karta isbeddel weyn oo ka dhaca adeegyada caafimaad ee Soomaaliya, waana tusaale cad oo muujinaya sida iskaashiga maamulka caafimaadka iyo dhaqaatiirta uu u horseedi karo isbeddel dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo qaba cudurrada kelyaha, uusan u safri doonin dibadda si uu u helo adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, taasoo ka tarjumaysa ujeedada Isbitaalka Dalmar— in caafimaad tayo leh lagu helo gudaha waddanka.

- Advertisement -

Read more

Local News