30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta ka socda xadka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraado ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo haatan ka socda deegaano dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa aagga degmada Moqokori, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Gumarre, waxaana qaaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda Hiiraan, sida ay innoo sheegeeno dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay beegsadeen goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ka war heleen inay abaabulayaan weerar culus oo ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen Al-Shabaabkaiiku sugnaa goobta ay weerareen, ayna ka hortageen dhagar ay maleegayeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa bannaanka degmada Moqokori oo ah halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Dhanka kale ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa haatan wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori.

Al-Shabaab ayaa isku dayeysaa inay isku fidiso xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase difaac adag uga jira Macawiisleyda iyo Xoogga dalka.

Todobaadkii hore Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Si kastaba, waxaana haatan dalka ka socda guluf culus oo ka dhan ah kooxa argagixisada, waxaana iska kaashanaya Dowladda Federaalka iyo Saaxibad Caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News