DF SOMALIA oo ka shakisan ciidamada Villa Soomaaliya qaarkood (WARBIXIN)

Afgooye (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Ilaalada ka ah Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in kala shaki baahsan uu ka dhex jiro Saraakiisha iyo Ciidamada dowladda ee amniga halkaas suga..

Mid kamid ah Saraakiisha oo aan qadka Telka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Villa Somalia ay ka shaqeeyan Ciidamo siyaabo kala duwan lagu keenay, sida saaxiibnimo, qabiil iyo dano gaar a, kuwaasi oo aan si rasmi ah ugu diiwan gishneyn DF.

‘’Haa wey ku dhex jiraan Madaxtooyada Ciidamo badan oo aan si rasmi ah ugu diiwaan gishneyn Dowladda, waxaana ka muujineynaa shaki maadama xaalada Dalka ay ka duwan tahay sidii hore, waxaa suuragal ah inay ka qeybqaatan qalqal galinta Ammaanka’’ ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magaaabin.

Waxa uu intaas kusii daray in DF Somalia looga baahan yahay inay wax ka qabato arrimaha horseedi kara amni darr ka dhex dhacda Madaxtooyada.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in Villa Somalia ay leedahay Ciidamo ku filan, balse uu qalqal galin karo hal ama laba ruux oo u adeega nabadiidka.

Dhanka kale, waxaa walaac laga muujinayaa xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho, kadib geeridii Hoggaamiyaha Maleeshiyada, waxaana suuragal ah inay howlo argagixiso ka dhex fuliyaan gudaha Magaalada, sida uu ka digay wasiirka amniga Khaliif Ereg.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

caasimada@live.com