Beesha SADE oo kulan xasaasi ahaa la qaadatay IGAD iyo BEESHA Caalamka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay kulan ay ka qeybgaleen beesha caalamka iyo urur gobaleedka IGAD.

Kulanka oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa loo qabtay beesha Sade ee uu ka soo jeedo Barre Hiiraale, waxaana lagu ammaanay sida ay u aqbaleen in ay ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan Kismaayo ka furmaya iyo maleeshiyaadka Barre u dagaallamayay in ay magaalada soo galiyaan.

Sarkaal ka qeybgalay kulanka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan uu billow u yahay kulamo ay beesha caalamka iyo IGAD ay doonayaan in ay kula hadlaan beelaha deggan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa ku qulqulaya maalmahan ergo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta oo la sheegay in uu dhacaayo 16-ka bishan.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u heysan oo isugu jirra kuwa maamulka Jubba iyo ciidanka Kenya oo qeeyb ka ah kuwa AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com