Xog: Maxaa kala soctaa sababihii xilka looga xayuubiyey agaasimahii hay’ada sirdoonka qaranaka (Xasan Abtigiis?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadista Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe ay soo jiitameysay Asbuucyadaani kadib markii uu Khilaaf dhex maray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha sidaana uu Xilka ku waayay Aggaasimaha Hay’adda.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Xil ka qaadista uu ka dambeeyay Ra’isul wasaaraha Dalka, balse Wasiiraduna ay ahaayen kuwa xalaaleynaayay Xil ka qaadista.

Agaasimihii nabad sugidda ee xilka laga qaaday maanta, ayaa qaraabo dhinaca hooyada la ah madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ugu aadan abti.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin qaabka xilalka loogu qeybinaayo Beelaha Soomaaliyeed, iyadoona baaritaano kadib ay xilalku noqdeen kuwa aan loo sineyn.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweynaha kula taliyay in Xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax Barre maadaama ay bah wadaag yihiin Aggaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Somalia, Hayeeshee uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka biyo diiday in Wasiir Goodax xilka laga qaado.

Kadib ayaa Cabdi Weli waxa uu amar ku bixiyay in Golaha Wasiirada ay u codeeyaan Aggaasimaha Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe, sidaana uu xilka ku waayay Sanbaloolshe Aggaasimaha.

Khilaafka Labada Mas’uul, Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul wasaare C/weli ayaa ahaa mid soo jiitamayay tan iyo Bishii July, markii Xilka sidan oo kale laga qaaday Jen. Bashiir Goobe, waxa uuna ka dhashay Khilaafka in Laba Mas’uul oo xilal muhiim ah ka haaya DF kana soo jeeda Hal Beel, taasi oo noqotay mid meesha ka saartay Jiritaanka Dastuurka.

Dhanka kale, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa waxa uu noqonayaa Taliyhii Seddexaad oo Xilka laga qaado tan iyo markii uu Xasan Sheekh Madaxweyne noqday.

Waxaa laga yaaba in Madax adeega uu maanta Ra’isul wasaaraha xilka uga qaaday Aggaasimaha ay sababto in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli dib usoo celshaan Siyaasadihii ay qarka isaga tuurayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com