Maamulka AXMED Madoobe oo KENYA kula saftay boobka BADDA Soomaaliya, hadal aan laga fileynin-na soo saaray !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga ee maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdullaahi Sheekh Shaafici ayaa markii u horeysay ka hadlay boobka Kenya ee Badda Somalia.

Wasiirka ayaa gebi ahaan beeniyay qaadashada dowlada Kenya qeyb kamid ah badda Soomaliya, inkasta oo taasi caddeymo loo hayo, waxaana isaga oo safanaya Kenya uu ku tilmaamay go’aanka ay DFS ugu gudbisay beesha caalamka Dacwad ku aadan muranka badda inuu yahay mid aan laga fiirsan laguna deg degay.

“Runtii ka Maamulka KMG ah ee Jubba ahaan gacan ma siineyno in dhulka Somalia laga qaato, lakiin ma ogin in dhulka Somalia la qaatey, gaar ahaan meesha ay ka hadlayaan waa degmada Badhaadhe ee magaalada Raas-kaambooni, badda Raas-kaambooni cid qaadateyna ma ogin, dowlada Kenyana dhul Somaliyeed oo badd iyo Barri ma qaadan waxaana is-leeyahay annaga ka Wasaarad ahaan arrintaas dowladda u qortey maxkamada caalamiga ah way ku fududaatey saxna ma aha, daraasad iyo warbixin baan diyaarinay waxna nala-kama socodsiin, dhanka kale dowlada Kenya uma qalanto in sidaas loogu af-lagaadeeyo arintaas, dadka daga Badhaadhe iyo Hulluqa oo waa dad isku degaan ah dhibaato iyo muran dhuleedna kama dhexeeyo, Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Kenyana kama dhexeeyo, waxaan is-leeyahay ujeedo macno kale huwan weeye ma qabno fikradaas” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiga maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba.

Dowladda Somalia ayaa warqad dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee QM oo fadhigeedu yahay magaalada Hugue ee dalka Natherland.

Dowladda Kenya oo ciidamo ka joogaan Koonfurta Somalia tan iyo 2011 ayaa sheeganeysa sadex geesood biyaha badda ah ee cabisrkiisu yahay 100,000 square kilometers ( 40,000 square miles) taasoo ka mid ah badda Soomaaliya.

Nairobi ayaa dhulkaas siisey shirkado ka baaro shidaal iyadoo muran dhinaca sharciga ah weli ka jiro.

” Somalia, waxa ay ka codsatey Maxkamada ” iney xaqiijiso, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah, halka uu yahay xuduud baddeedka rasmiga ah ee u dhexeeya wadanka Somalia iyo Kenya’ ” Maxkamada caalamiga ah (ICJ) ayaa qoraal kooban ku sheegtey.

Somalia, oo ku dhacda Woqooyiga Kenya, ayaa rabta in xuduudka badda uu la socda inta uu leeg yahay midka dhulka, ilaa iyo inta laga gaarayo Koonfur barri.

Kenya aya dhinaca kale rabta in xuduudka badda uu noqdo mid toos ah oo u socda ilaa jihada Barri, taasoo siineysa dhul badeed badan, oo ay Soomaaliya leedahay.

Dacwadaha horyaala Maxkamada Hugue ayaa ah kuwa go’aan ka gaaristooda qataan muddo sanado ah.

Maxkamadaan ayaa dhidibada loo taagey 1945 waxeyna kamid tahay awoodaha sharci ee ugu weyn ee QM leedahay taasoo fadhigoodu uusan aheyn magaalada New York.

Hadalka maamulka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ah mid aan la yaab lahayn, sababta oo ah maamulkaasi waxaa dhisay Kenya, ujeedka loo dhisayana waa inay fududeeyaan in Kenya ay boobto badda Soomaaliya.

Si kastaba hadalka maamulka Jubba, ayaa wax macno ah sameeneyn, maadaama dowladda federalka ay xuduudaha dalka mas’uul ka tahay, oo aanay maamul goboleedyada wax shaqo ah ku lahayn, hase yeeshee waxaa hadalka kooxda Axmed Madoobe uu shacabka Soomaaliyeed tusayaa shakigii ay markii hore ay ka qabeen oo ahaa in Kenya ay ku adeeganeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com