“Xasan waxaa lugta ka jaray R/W C/weli wuxuu bartay kuwa qabow” ayuu yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Abuukar oo ka tirsan Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose, ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Xassan Sheekh uu xil u dhiibtay Ra’isul wasaare C/weli Sheekh oo Siyaasad ahaa ka dheereeyay.

Muuse Abuukar waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh sida uu doono ka yeeli jiray Ra’isul wasaarihii hore ee Saacid, balse Ra’isul wasaare C/weli uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

‘’Xassan Sheekh waxaa looga bartay inuu lugaha jaro Ra’isulwasaare waliba uu soo magacaabo, balse Ra’isulwasaare C/weli waxa uu lugaha jaray Xassan, waayo waxa uu is hortaagay Arrimo farabadan oo uu Xassan damacsanaa laakin wuu iska celshay inta karaankiisa ah, kuwii hore ayuu jiljileec uga bartay’’ Sidaa waxaa yiri Muuse Abuukar oo intaa hadalkiisa kusii daray in Xassan Sheekh sida uu doono u maamusho Dastuurka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay

Dhanka kale, Muuse Abuukar waxa uu Ra’isulwasaare C/weli ku amaanay qaabka uu uga soo horjeesto rabitaanada Madaxweynaha, wuxuuna Tilmaamay in xassan uu ku dhaqaaqi lahaa Siyaasado badan oo Khilaafsan Xukuumada balse uu is hortaagay C/weli.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com