Xasan Sheekh oo diiday xil ka qaadistii Sambaloolshe iyo KAY oo gartay galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor yimid xil ka qaadistii uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli, isaga oo adeegsanaya golaha wasiirada ku sammeeyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda qaranka Cabdullahi Sambaloolshe.

Madaxweynaha, ayaa la sheegaya in naxdin, la yaab iyo wax uusan filaneyn ku noqotay tallaabada Cabdi Weli uu qaaday, oo aan xittaa aan lagu war-gelin.

Warar ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegaya in tallaabadaas ay sii xoojeysay khilaaf labada mas’uul horey uga dhex oognaa, xilli ay kooxda Xasan Sheekh mooshin diyaarinayeen.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa xalay u kala dab qaadayey labada nin, si xal looga gaaro go’aanka uu qaatay Cabdi Weli iyo carrada madaxweyne Xasan Sheeh.

Nicholas Kay, ayaa Xasan Sheekh u sheegay in go’aan la qaatay oo dunida oo dhan ay ogtahay ay adag tahay in laga laabto, sidaa darteedna waddada kaliya ee furan ay tahay in madaxweynaha uu aqbalo go’aanka.

Inkasta oo madaxweynaha uusan ku qancin hadalka Kay, haddana xubno ku sugan Villa Somalia, waxa ay sheegayaan inaysan jirin wax uu ka qaban karo.

Sidoo kale, ilo-xog ogaal ah aya Caasimada Online u sheegay in Nicholas Kay uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku raacsan yahay go’aankiisa, taasi oo xaalka kusii xumeeneysa Xasan Sheekh.

Kaaga sii daran’e, waxaa sidoo kale xil ka qaadista taageeray siyaasiyiin reer Muqdisho ah, oo maalmihii dhowaa aad u dhibsaday tacaddiyada ay ciidamada nabad-sugidda ka wadeen Muqdisho, oo ay ugu dambeysay xariga guddoomiyihii xildhibaanada Mudullood, xildhibaan Shiiraar.

Marka si loo fiiriyo, ra’iisul wasaare Cabdi Weli sharci uma lahan inuu xilka ka qaado taliyayaasha ciidamada, oo waxaa awoodaas leh madaxweynaha. Hase yeeshee, xaqiiqda ah in Xasan Sheekh, uu markii horeba ogolaaday in awood uu lee yahay uu Cabdi Weli isticmaalo, ayaa ka dhiggeysa in haddana uu ku qasban yahay inuu aqbalo.

Taliyaha Nabad-Sugidda iyo kan booliiska, ayaa waxaa laba bil ka hor magacaabay ra’iisul wasaaraha, oo aan sharci u lahayn, hase yeeshee Xasan Sheekh oo ahayd inuusan ogolaan, ayaa aqbalay, sidaa darteedna Cabdi Weli inuu xilka ka qaado maantana waxba kuma jabna.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, ayaa iminka ah shaqsiga ugu awoodda badan dowladda federaalka, isaga oo taageero ka haysta, beesha caalamka, Ethiopia iyo xildhibaanno badan oo dhibsaday siysaadda Damul-Jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com