Xog: Xasan oo xildhibaanno shirsaday xilli xaalad uusan filaneyn uu la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-Ogaal ku sugan Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu Kullan aan caadi aheyn kula yeeshay Xafiiskii inkabadan 25-Xildhibaan oo fakir ahaan isaga taageersan.

Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha uu Xubnahaasi ka tirsan Golaha shacabka kala hadlay Arrimo dhowr ah oo khuseeya Xaalada hadda taagan iyo xurgufta kala dhaxeysa Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo isagu xil ka qaadis aan lala Ogeyn ku sameeyay Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe, markii laga reebo Golaha Wasiirada ee iyagu u fududeeyay Ra’isul wasaaraha xil ka qaadistaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu xiligaani abaabulaayo sii xoojinta Mooshino ka dhan ah Ra’isul wasaaraha Dalka oo uu u arko inuu yahay shaqsi mayal adag oo aan u hogaansaneyn Awaamirta kasoo baxda Xafiiskiisa Xassan.

Mooshinka uu abaabulaayo Madaxweyne Xassan ayaa waxaa daadihinaaya Xildhibaano iyo Wasiiro la sheegay inay la dhacsan yihiin qar ka tuurka Xassan Sheekh uu la damacsan yahay Ra’isul wasaare C/weli, wallow C/weli Sheekh, uu isaguna dhankiisa kawado Abaabulo uu ku maja-xaabinaayo Madaxweynaha.

Lama Oga halka ay gaari doonto Natiijada kasoo baxday Kullanka uu Madaxweyne Xassan Habbeennimadii xalay Xildhibaanada ugu qabtay Villa Somalia, balse waxaa la rumeysan yahay in Khilaafkaani Cusub uu ka dhashay Xilka qaadista Aggaasimaha Hay’adda Sirdoonka C/llahi Sanbaloolshe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com