27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Iiraan oo ku wargelisay Sacuudiga in ay dhulka la simi doonto Imaaraadka Carbta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa ku wargelisay Sacuudiga iyo Cumaan inay qorshaynayso “in ay si culus u bartilmaameedsato” Imaaraadka, taas oo qayb ka ah jawaabteeda ku aaddan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Tehran. Tallaabadan ayaa loo arkaa xeelad la doonayo in lagu kala fogeeyo Abu Dhabi iyo deriskeeda Gacanka, sida lagu daabacay warbixin uu daabacy wargeyska The Wall Street Journal.

Xiisadda Imaaraadka iyo dalalka Gacanka, gaar ahaan Sacuudiga, ayaa si hoose u soo jiitamaysay sanado badan. Go’aanka Imaaraadku uu bishan uga baxay ururka OPEC ayaa calaamad u ah in dagaalka Iiraan uu sii kala fogeynayo Riyadh iyo Abu Dhabi, beddelkii uu midayn lahaa.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa la sheegay inay dhiggooda Sacuudiga u xaqiijiyeen qorshahooda ku aaddan burburinta Imaaraadka, iyagoo si gaar ah u xusay khilaafka u dhexeeya Riyadh iyo Abu Dhabi. In kasta oo aan la xusin xilliga uu wada-hadalkani dhacay, haddana saraakiisha Sacuudiga ayaa si weyn u saluugay eray-bixinta adag ee Tehran.

Iyadoo Riyadh ay aad uga caraysan tahay Iiraan, labada dal waxay sii wadaan wada-hadalladooda; Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabaas Caraqji ayaa bishii hore la hadlay dhiggiisa Sacuudiga Faysal bin Farxaan.

Digniinaha Iiraan ayaa muujinaya inay si dhow ula socoto kala-qobqobnaanta Gacanka, ayna ka leedahay dan istaraatiijiyadeed si ay u sii kala fogeyso boqortooyooyinka Carabta oo dhammaantood xulufada la ah Mareykanka.

Sacuudiga oo ah dalka ugu weyn gobolka, ayaa Imaaraadka la wadaaga hammiga fidsan ee muujinta awoodda dibadda. Riyadh ayaa weerartay xulafada Abu Dhabi ee Yemen waxyar uun kahor inta uusan qarxin dagaalka Iiraan, sidoo kalena labada waddan waxay kala taageeraan dhinacyada isku haya dagaalka sokeeye ee Suudaan.

Labada dal ma joojin xafiiltankooda iyo is-jujuubka inta uu dagaalku socdo. Warbaahinta Middle East Eye ayaa kashifay in hub laga soo iibiyay Pakistan oo Sacuudigu bixiyay kharashkiisa la gaarsiiyay Khaliifa Xaftar bishii Maarso ee bariga Liibiya, iyadoo Riyadh ay isku dayayso inay ciidamadiisa ka xayuubiso saamaynta Imaaraadka.

Sacuudi Carabiya vs Imaaraadka

Boqortooyooyinka Gacanka, oo uu ku jiro Imaaraadku, ayaa guud ahaan ka horyimid dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, balse iyaga ayaa dusha u ritay cawaaqibka aargoosiga Tehran. Imaaraadka ayaa wajahay khasaaraha ugu weyn kaddib markii dalkan yar lala beegsaday ugu yaraan 2,000 oo isugu jira gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Qatar, Baxrayn, iyo Kuwait ayaa martigeliya tobanaan kun oo ciidamo Mareykan ah, waxayna si dhow ugu xiran yihiin warshadaha difaaca Washington oo bixiya inta badan hubkooda iyo nidaamyada difaaca cirka.

In kasta oo gobolku uu garab istaagay Mareykanka xitaa markii Washington ay iska indhatirtay baaqoodii ahaa inaan Iiraan la weerarin, haddana qaabka ay uga falceliyeen ayaa kala duwanaa. Sacuudiga ayaa gacan siiyay dagaalka Mareykanka isagoo u oggolaaday adeegsiga saldhigyadiisa iyo hawadiisa, balse wuxuu sidoo kale taageeray dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadday xulafadiisa dhow ee Pakistan.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa fagaaraha iyo daaha gadaashiisaba uga ololeeyay in Mareykanku uu sii wado duqeymaha Iiraan, wuxuuna isku dayay inuu hor istaago dadaalladii ay Pakistan miiska wada-hadalka isugu keenaysay Washington iyo Tehran.

Isbaheysiga Imaaraadka iyo Israa’iil

Dagaalku wuxuu sidoo kale sii adkeeyay iskaashiga Imaaraadka iyo Israa’iil, iyadoo Tel Aviv ay nidaamka difaaca leysarka iyo hub kale oo casri ah u dirtay Abu Dhabi xilligii ay socdeen weerarada Iiraan, sida uu tebiyay wargeyska The Financial Times.

Waxaa jiray shaki ku aaddan in Imaaraadku uu dagaalka kala qaybqaatay Mareykanka iyo Israa’iil. Soo-rididda diyaaradda Wing Loong II ee ay China samaysay oo bishii hore lagu soo riday magaalada Shiraz ee koonfurta Iiraan, ayaa falanqeeyayaasha sirdoonka madaxa-bannaan ku abuurtay su’aalo la xiriira in Imaaraadku uu duqeymo cirka ah ka fulinayo gudaha Iiraan.

Imaaraadka ayaa si gaar ah ugu nugul weerarada Iiraan maadaama uu yahay dalka Gacanka ee ugu furan ajaanibta caalamka, sanadihii u dambeeyayna ay Dubai isu beddeshay xudun u adeegta dalxiiska, lacagaha dhijitaalka ah iyo maaliyadda.

Dhowr hoteel oo caan ah oo ku yaalla Dubai ayaa hoos u dhigay qiimahooda xilli ay la kulmayaan marti yaraan. Hoteelka caanka ah ee Burj Al Arab ayaa xirnaa 18 bilood si dayactir loogu sameeyo kaddib markii uu haleelay gantaal uga yimid Iiraan maalmihii hore ee dagaalka.

Khasaarahaas oo dhan waxba kama beddelin in Imaaraadku noqdo dalka Gacanka ee ugu codka dheer marka ay timaado ka-hortagga Iiraan. Khubarada ayaa aaminsan in Imaaraadku uu ka walaacsan yahay in Mareykanku uu colaadda ka laabto, taas oo Tehran ka dhigaysa awood deris la ah oo cagaheeda isku taagtay, go’aanna ka gaarta Marinka Hormuz.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Sheekh Cabdullaahi bin Saayid ayaa u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio in Abu Dhabi ay u diyaar garowday in dagaalku uu socdo ilaa sagaal bilood.

- Advertisement -

Read more

Local News