27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Midowga Yurub oo war kasoo saaray baaqii Xasan Sheekh, dalab-na u diray mucaaradka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey casuumaadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey Golaha Mustaqbalka, xilli khilaafka siyaasadeed ee dalka uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan muranka la xiriira doorashooyinka iyo muddada xilka madaxweynaha.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu rajeynayo in casuumaadda madaxweynaha ay hesho jawaab wanaagsan, si loo gaaro waddo siyaasadeed oo wax dhiseysa.

“Anagoo eegayna danta dhammaan Soomaalida, waxaan rajeynaynaa jawaab wanaagsan, iyo in la isku raaco waddo wax dhiseysa, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka,” ayay Di Mauro ku tiri qoraal ay ku daabacday barta X.

“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu taageero dadaallada noocan ah ee Soomaalida,” ayay raacisay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay Golaha Mustaqbalka kulan dhici doona 10-ka May 2026.

Villa Somalia ayaa sheegtay in casuumaaddan ay timid kadib wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in kulanka looga hadli doono arrimo masiiri ah, oo ay ku jiraan doorashooyinka, dowlad-dhiska, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada, oo intaas ku daray in wada-hadallada loo baahan yahay inay noqdaan kuwo miro dhal ah.

Soo dhaweynta Midowga Yurub ayaa timid saacado kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen in aysan Madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.

Mucaaradka ayaa sheegay in muddada dastuuriga ah ee madaxweynaha ay ku eg tahay 15-ka May, islamarkaana wixii maalintaas ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale.”

Waxay sidoo kale sheegeen inay hoggaamin doonaan iska caabin nabadeed, abaabul dadweyne iyo wadatashi qaran, si looga hortago waxa ay ku tilmaameen firaaq dastuur ah.

Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u diiday doorashooyin ay ku tilmaameen “magacaabis”, iyagoo sheegay in doorasho kasta oo heer federaal ah ay ku dhisnaato heshiis siyaasadeed oo buuxa, hufnaan, kalsooni, amni, waqti ku filan iyo awood farsamo oo lagu kalsoonaan karo.

Mucaaradka ayaa sidoo kale dalbaday in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo ay sheegeen inay muddo dhaaf yihiin.

Qoraalka mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in hay’adaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed, waxayna ku baaqeen in ciidamada laga ilaaliyo khilaafka siyaasadeed.

Tallaabada Midowga Yurub ayaa sare u qaadeysa cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay wadahadal galaan, iyadoo 10-ka May loo arko fursad muhiim ah oo lagu qaboojin karo xiisadda ka hor waqtiga 15-ka May ee mucaaradku ku xireen aqoonsiga madaxweynaha.

- Advertisement -

Read more

Local News