28.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 14, 2026

Daawo: Guddoomiye degmo oo ka hadlay shacabka ‘sida qasabka loo diiwaangelinayo’

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Kaxda Cabdiweli Xasan Nuur oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan isdiiwaangelinta dadweynaha ee ka socota magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Xasan Nuur oo uu todobaadkii hore xilka qaaday guddoomiye Muungaab ayaa qaylo dhaan afka furtay, wuxuuna ka hadlay shacabka caasimada ee ‘sida qasabka ah loo diiwaangelinayo’ doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda ayaa usoo jeediyay guddoomiyaha lasoo magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi in aanu shacabka soo qasbin, isla markaana diwaangelintu ay noqoto mid ay raalli ka yihiin shacabka ku dhaqan Kaxda.

SIdoo kale wuxuu ku taliyay in qof weliba loo daayo fikirkiisa, oo haddii aanu ogoleyn diiwaangelinta laga daayo in lasoo afduubo ama lasoo juujuubo, sida uu hadalka u dhigay.

“Gudoomiyaha cusub waxaa laga rabaa in dadka aan lagu qasbin isdiiwaangelinta socota ee doorashooyinka aniga intaan joogay qofna ma qasbin dadka haddii lagu qancin waayo fikirka hala iska dhaafo” ayuu yii guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Kaxda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qof bani’aadan ah inaad fikirkiisa kusoo qancisid meesha keentid isaga oo raalli ah oo uu isdiiwaangeliyo ayaa la’iska rabaa”

Dhinaca kale waxa uu ballan qaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee beddelay, kaas oo sii hoggaamin doono maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaa kula dardaarmayaa odayaasha degmada iyo bulsha weynta kale in guddoomiyaha ay garab istaagaan, kalana shaqeeyaan howsha culus ee loo soo magacowday” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay aad usoo kordheen cabashada kasoo yeereysa qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gudaha caasimada oo sheegayay in si xoog ah lagu geynayo goobaha diiwaangelinta, si u qaataan shahaadada, taas oo ay marar badan digniino kasoo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News