A/Madoobe: DF Soomaaliya waa lagu qasbay heshiiskii Addis Ababa ee lagu aqoonsaday Maamulka KMG ee Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in gaashanka u daruuray in ay doorasho ka dhacday Khamiistoo lagu doortay madaxweyne hoggaamin doona maamul ka kooban seddax gobal.

Aadan Madoobe oo warramayay BBC-da ayaa sheegay in wax doorasho la dhaho aaney ka dhicin Baydhabo, ee meesha nin la soo qariyay lagu doortay Hotel Bakiin, waxaana ka dambeeyay shakhisiyaad dano kale leh ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay sidda uu ku inkiri karo in ergo ka badan 700 in ay joogeen doorashada, wuxuu muujiyay in Warbaahinta la buunbuuniyay sidda uu hadalka u dhigay.

“Maamula la sheegayo kuma imaan rabitaanka shacabka, kamana dhcin doorasho labaad Baydhabo, dad siyaasiyiin ayaa qorshe waday iyagiina waa ay ka soo bixi waayen goobta lagu xareeyay nin ayaa habeen la waday oo la geeyay Hotel Bakiin isagii ayaa la dhahay waa la doortay, maamul lix gobal oo ay taageersan yihiin shacabka ku nool gobaladaas” ayuu yiri Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada taageersan maamulka lixda gobal.

Aadan Madoobe waxa la weydiiyay marka laga soo tago maamulka seddaxda gobal in uu jirro maamul kale oo  dowladda ay aqoonsatay kaasoo ah maamulka KMG ah ee Jubba, sidda laga yeelayo?

Wuxuu yiri “Maamulkaas waan ognahay sharci kuma imaan dowladda waa lagu qasbay oo beesha caalamka ayaa wadatay, laakin siddaas oo tahay isagu waa KMG wuxuuna uu hoos-imaanayaa State-ka lixda goba, diyaar ayaanna u nahay in aan kala hadalno waxa ay rabaan”.

Si kastaba, waxaa muuqata khilaafo hor leh oo ka dhalanaya maamulada looga dhawaaqay dalka kuwaasoo laga cabsi qabo inay ka dhashaan dagaallo sokeeye oo hor leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com