Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla oo dhabar jabin ku sameeyey Lafta Gareen

Muqdisho (Caasimada Online)Xildhibaannada Koonfur galbeed ayaa saaka bilaabay iney qaataan shahaadada guddiga doorashada ee FEIT, iyaga oo ka biyo-diiday amar uu horay usoo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen kaas oo loogu sheegay iney toos shahaadada xildhibaannimo uga doontaan xogheyeyaasha guud ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha shahaadooyinkooda maanta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku guuleystay kursiga HOP#189, wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu soo doortay Koonfur Galbeed ee guddiga FEIT ka qaata shahaadada xildhibaanimo.

Aadan Madoobe ayaa u sharraxan xilka afhayeenka baarlamaanka federaalka Somaaliya oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa yiri “Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata shahaadadiina”.

Sidoo kale xildhibaanka labaad ee Koonfur Galbeed ka socda ee iska diiwaan-geliya guddiga FEIT ayaa waxa uu noqday Shariif Maxamed Cabdalla oo ku soo baxay kursiga HOP#085.

Is-diiwaan-gelinta xildhibaanadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Koonfur Galbeed ay horey uga hortimid tallaabada uu qaaday guddiga doorashooyinka FEIT, sidoo kalena sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay guddoomiye Yuusuf Geelle Ugaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraal Jimcihii lagu daabacay madaxtooyada Koonfur Galbeed,  ayaa lagu sheegay in galka xildhibaannada ay toos ugu wareejinayaan xogheyeyaasha labada aqal, iyaga oo sheegay “ Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka. Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS”.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen labadaa xildhibaan ayaa dhabar jebin ku ah Lafta Gareen iyo maamulkiisa oo ku dhow kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.