Muqdisho (Caasimada Online) โ Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa maanta wuxuu kulan uga furmay magaaladda Muqdisho.
Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, sidoo kalena waxaa ku wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Ky-xigeenka labaad ee Aqalka Sare.
Masโuuliyiinta kale ee ka qeybta ahaa waxaa ka mid ahaa guddoonka labada guddi, habdhowrka iyo xoghayeyaasha guud ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa qeyb ka ah qorshaha uu guddoonka baarlamaanka ku dardar-gelinayo dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka, si Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu gudbiyo cutubyada harsan isla markaana uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga.
Kulankan ayaa sidoo kale qayb ka ah diyaarinta kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu furmo 29-ka bishan, kadib markii uu dib u dhac ku yimid furitaanka baarlamaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoonka baarlamaanka ka codsaday in dib loo dhigo furitaanka baarlamaanka, kaasi oo uu ka jeedin doono khudbadda dastuuriga ah.
Dowladda ayaa qorsheynaysa in kalfadhigan la meelmariyo wax ka beddelka cutubyada dhiman ee dastuurka KMG ah, iyadoo hay’addaha u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyen la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.
Ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo qaar kamid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo shirar dhowr ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku kala tagay arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo doorashada.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qeyb ka mid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta ay wada gaareen heshiis xal looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dhinacyadu isla qaateen hanaan doorasho oo ka gedisan midkii ay Villa Somalia muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay.
Xubnahan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa saaxiibadooda ka wada tirsanaayeen Madasha isku seegeen in xalka laga gaarayo muranka doorasho ee taagan.
Heshiiskaas oo weji cusub u yeelay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku ogolaaday in la isla aado teendhada Afisyoone, oo horey loogu soo doortay.
Inkastoo Madaxweynaha ku adkeystay qodobada qaar ee doorashada qof iyo cod ku adkeystay, sida in golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ay noqdaan kuwa loogu tartamo doorasho dadweyne.
Xildhibaannada ayaa ku imanaya doorasho qof iyo cod, iyadoo xubnaha baarlamaanka lagu soo saaran doono ururro, taas oo ka dhigaysa “ururrada xubno badan soo saarta in ay noqon doonaan xisbiyo qaran.”
Heshiiskaas ayaa dhigaya in doorashooyinka dalka lagu saleeyo xeerka doorashooyinka 2024 islamarkaana si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.