26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Aadan Madoobe oo ka hadlay halka uu maraayo shir koonfur galbeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa ka socda shir looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla koofurta Soomaaliya.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ka mid ah ragga u ololeenaya in uu maamulkan hirgalo ayaa ka hadlay halka uu shirka maraayo iyo qorshaha maalamaha soo socda la lee yahay.

War uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegya in maamlaha soo socda Baydhabo uu ka furmi doon shirkaas, oo ay ka soo qaybgali doonaan odayaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe .

Isagoo arrimahaas ka hadlaya ayuu yiri: Waxaa idin xasuusinaya in si rasmi ah u furmi doono maalamaha soo socda shirweynaha Baydhabo oo larabo in lugu dhiso Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo mudo badan la sugayay  in ay wada yimadaan dadka gobaladaas wada dega ee talada kadhaxeysa madaama dadka inta badan ay yimadeen inta kalana lafilaayo maalmaha fooda nugu soo haya annagana wan ku socnaa maalmaha soo socoda hadii allaha awooda leh inoo oggolaado” Mahadsanidin.

Si kastaba, shirkan ka furmaya Baydhabo ayaa la rabaa in maamul cusub looga dhawaaqo, waxaana gobalada uu maamulkaas ka arrimin doono ka mid ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, gobaladan waxa ay hadda lee yihiin maamul kumeel gaar ah oo la dhaho Jubba.

Maamulkan la iskuma raacsano dad badan oo u ololeenaya maamulka cusub ayaa ka soo horjeeda belse dowladda dhexe waa ay aqoonsatay oo heshiis ay la gashay Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa.

Waxaa la sugaaba waa maalmaha na soo aadan iyo wax yaabaha ka soo baxa shirkan iyo sida dowladda ay uga jawaabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News