Aadan Madoobe oo ka jawaabay dalab uga yimid Laftagareen, kana degay Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay dalab culus oo uga yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku casuumay inuu soo gaaro Baydhaba, wuxuuna maanta ka degay garoonka magaaladaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa wafdigiisa qayb ka ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ujeedka Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa ah ka qayb-galka xuska sanad guurada 6-aad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 19-ka bishaan December ka dhaceysa dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Laftagareen ayaa dabaal-degaya sanadkiisii lixaad, iyada oo weli ay dood ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi, maadaama uu ka dhamaaday mudo xileedka.

Xafladda ayaa sidoo kale sanadkan kusoo aaday, xilli xasaasi oo culeesaad badan uu wajahayo madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku kacsan yihiin mucaaradka.

Si kastaba, Laftagareen ayaa kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee heshiiska doorashada la galay Villa Soomaaliya, si dalka looga qabto qof iyo cod.