Aadan Madoobe oo maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi aheyn + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga.

Waxaa lagu soo bandhigay kulankaan shintiriska (jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib-u-eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen guddiga la-socodka iyo hirgelinta dastuurka BJFS.

Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga la-socodka iyo hirgelinta dastuurka ayaa xubnaha guddiga joogtada uga warbixiyay shintiriska kulamada u gaarka ah dastuurka, isaga oo xubnaha guddiga la wadaagay qeybaha uu ka kooban yahay jaantuska kulamada wadajirka ah ee labada gole BF ee looga doodayo dib-u-eegista dastuurka KMG ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib-u-eegista dastuurka KMG ah.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.