Daawo Aamina: Kabihii buudka ahaa iyo shaatigii ninkeyga ayaa kasoo helay Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyinka xanuunka leh ee ay sababeen qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa isa soo taraya, waxaana haatan socdo gurmad ballaaran oo ay iska kaashanayaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Hooyo Aamino Aweys Maxamed oo maalintii labaad ku sugan Zoobe ayaa sheegtay inay baadi goobeyso Seygeeda oo lagu waayey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Aamino ayaa sheegtay in Seygeeda oo danyar ahaa uu Dhar Huudhey ah ku iibinayey goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, waxayna sheegtay in ay weli la’dahay meydkiisa, balse kaliya ay soo heshay kabihii iyo shaatigii uu xirnaa, sida ay u sheegtay Telefishinka Dalsan.

“Dhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliya,” ayey wareysiga laga qaaday ku tiri Aamino Aweys Maxamed ayada oo ilmeyneyso.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Qaliin lacag la’aan ah ayaa ku soo raadinaa ayuu igu dhahay awoodeyda ma dhamo inaan bixiyo lacagta qaliinka,”

Hooyadan oo sii hadleysay ayaa sheegtay in ay Seyga geeriyooday uu uga tegay illaa 10 carruur ah, iyaduna ay haatan xanuunsaneyso.

“10 ruux oo bani’aadam ah ayuu iga tegay marka dhar ayaan iska dhaq-dhaqdaa aniga, waana iska xanuunsanahay buraa minka iiga taallo,” ayey markale tiri Aamino Aweys.

Halkan hoose ka daawo:-