DAAWO: Abaabul ka dhan ah Al-Shabaab oo magaalada CADALE ka billowday

Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus iyo abaabul ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabay degmada Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo dhacda dhanka xeebta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo gaadiid dagaal oo ka baxay magaalada Muqdisho ay xalay gaareen degmada Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo duulaan kusii ah deegaannada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa gulufkaan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida Cismaan Xaadoole, Maxamed Cajiib iyo Maxamuud Abuukaate.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadaan iyo saraakiisha horkaceysa ay saldhig dhigteen magaallo xeebeedka Cadale, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo milatari.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dhankooda wacad ku maray in aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay qabsadaan illaa ay ka gaarayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay saldhigyo iyo goobo caafimaad ku leeyihiin xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib kulan ay Beesha Mudulood ku yeelatay Muqdisho, kaas oo ay uga dhowaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanayo deegaanada beesha ee ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, haddii Shabeelaha Dhexe uu ka bilowdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in culeyska uu ka yaraan doono reer Hiiraan oo haatan wajahaya xaalad adag, kadib qaraxyadii shalay ee  Beledweyne ee ay sheegatay Shabaab.