31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Farmaajo oo si kulul uga hadlay xarigga Cabdi Cali iyo Maxamed Cabdi

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga hadlay xarigga loo gaystay Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Cali Ibraahim oo kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayaa waxa uu ku cambaareeyay xarigga labadaan wiil, isaga oo ku tilmaamay sharci darro.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa afduubka iyo xarigga sharci darrada ah ee loo gaystay muwaadiniinta xoogsatada Bajaajlayda ah ee lagu xiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Cali Ibraahim,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Caburinta codka shacabka, handadaadda dadka danyarta ah iyo xarigga muwaadiniinta cabashadooda dhiibanaya ma ahan xal lagu dhisi karo caddaalad, dowladnimo iyo kalsoonida bulshada”.

Dhanka kale, waxa uu farriin u diray hay’adaha amniga isaga oo ugu baaqay inay si deg-deg ah usii daayaan dhalinyarada xiran, siidoo kalena la joojiyay caburin uu sheegay in lagu codka shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga in si deg-deg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo muwaadiniintaas, islamarkaana la joojiyo tallaabooyinka lagu caburinayo shacabka rayidka ah ee aragtidooda cabbiraya, si waafaqsan dastuurka dalka,” ayuu mar kale yiri Madaxweyniii hore ee dalka.

Maalmihii u dambeeyay Farmaajo ayaa soo saarayay qoraallo ka dhan ah tallaabooyinka dowladda, waxaana u dambeysay shalay oo uu cambaareeyay rasaas ay ciidanka amniga ku fureen dad ku banaanbaxayay degmada Dayniile, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Si kastaba, mucaaradka ayaa diidan hannaanka uu wax ku wado Xasan Sheekh waxayna wadaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News