Abgaaal: Nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa  wasiirkii hore ee Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiikii Berbera lagu siiyey Imaaraadka si ay halkaas saldhig Militari uga sameysato.

Abgaal oo ka dhawaajiyey inuu weli mushaar ka qaato Maamulka Somaliland aya haddana sheegay inuusan xaqiiqda ka gambaneyn isagoo ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wax dan ah ugu jirin heshiiskaas.

“ waxaan rabaa inaan caddeeyo in heshiiskii Berbera lagu siiyey Imaaraadka Carabta aysan dan ugu jirin Somaliland, waan kasoo horjeednaa arrintaas, maanta diyaar uma nihin in saldhig Militari laga sameysto Somaliland sababtoo ah wuxuu halis ku yahay jiritaanka Somaliland, wadamada dariska ah maxaa yeelay   nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno oo jabuuti iyo Itoobiya go’doon ma labaad ka galno diyaar uma nihin”ayuu saxaafadda u sheegay Abgaal.

Abgaal ayaa Madaxda Somaliland ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qanciyaan shacabkooda sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inaysan dowladda marmarsiiyo ka dhigin in Jabuutiba ay ku taal shan Saldhig oo Military.

Ugu dambeyntii Abgaal ayaa ka dhawaajiyey inaan marnaba laga sugeyn isaga inuu taageero heshiiskaas maadaama uusan uga dhex jeedin wax dan ah oo Somaliland ugu jirto sida uu sida hadalka u dhigay.

Siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland ayaa isku khilaafay heshiiskii Imaaraadka Carabta loogu saxiixay inay Saldhig Militari ka sameysato magaalada Istaraatiijiga ah ee Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com