Weerar lagu dili rabay boqorka sacuudiga oo fashilmay, yaase ka dambeeyey?

Kuala Kampur (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga ayaa maalmahaan wuxuu safar booqasho ah ku marayaa dalal ka mid ah qaaradda Asia isagoo doonayo inuu booqdo wadamo badan oo ka tirsan qaaradaan.

Haddaba booliska dalka Malaysia ayaa ka dhawaajiyey inay fashiliyeen weerar lagu dili rabay boqorka Sacuudiga Salmaan xilli uu ku sugnaa magaalada Kuala Kampur.

Kooxdaan weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd afar qof oo Yemeniyiinta xuutiyiinta ah iyo seddex shaqsi oo kasoo jeedo dalka Malaysia waxaana arrintaas soo abaabushay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto dalka Yeman iyagoo Sacuudiga ka aargudan rabay duqeymaha ay ku heyso xarumahooda Yeman.

Boqorka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo ilaa 25 Amiir oo ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuuna markaas ku sigtay inuu ku baxo gacanta Xuutiyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay inay shaqsiyaadkaan xiriir dhaw la leeyihiin ururka Xuutiyiinta Yeman inkastoo warar kale ay sheegayaan inay kooxahaan ka tirsan yihiin ururka la baxay dowladda Islaamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Kampur
Caasimada@live.com