Tani miyey caddeyn rasmi ah u tahay inuu Farmaajo la wareegay qalbiga shacabka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo Markii uu  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqoday madaxweynaha Soomaaliya waxaa la dareemayaa sida ay shacabka ugu han weyn yihiin maamulka iyo dowladda Farmaajo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayey dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho u arkaan inuu yahay shaqsigii ku haboonaa inuu hoggaamiyo waana midda keentay inay dalka oo dhan is qabsadaan banaanbaxyo lagu taageerayey.

Hadddaba waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay arrin cusub oo muujineyso meesha uu Farmaajo ka joogo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho.

Hooyooyina iyo aabayaasha ay ilmaha u dhasheen doorashadii Farmaajo kadib ayaa bilaabay inay ilmahooda u bixiyaan magaca Farmaajo waxaana xadka kasii baxayo ilmaha ilaa hadda loo bixiyey magacaas.

Faadumo Xasan Hilowle oo hooyo ku nool magaalada Muqdisho waxaana dhawaan isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ugu dhashay wiil waxayna ugu magac dartay Farmaajo.

Caasimadda Online oo ay u suurta gashay inay la kulanto hooyadaas ayaa waxaa waydiinay sababta ku kaliftay inay cunugeeda u bixiso magaca Farmaajo.

Hooyo Faadumo ayaa ka dhawaajisay inuu Farmaajo yahay madaxweyne dagay qalbiga ummadda Soomaaliyeed sidoo kalana uu yahay shaqsi wadani ah sidaasna ay ku go’aansatay inay wiilkeeda u bixiso magacaas.

Kaliya Hooyo Faadumo ma’ahan hooyooyinka magacaas ilamahooda u bixiyey sidoo kalana waxaa la kulanay hooyo kale oo magaceeda kusoo koobtay Safiyo taasoo iyadana wiilkeeda u bixisay magaca Farmaajo.

Arrintaan ayaa muujineyso sida aadka ah ee shacabka Muqdisho ay u jecel yihiin madaxweynahooda Farmaajo waxaana lagu tilmaamay inay midaan noqon doonto taariikh sidoo kalana waa madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo intaan oo cunug loogu magac daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com