Jawaari oo ka dhawaajiyey waxa dhici doono haddii aan 2020 la sameyn doorasho qof cod iyo cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa loo qabtay ilaa sanadkan dhamaadkiisa inay la yimaadaan Warbiin buuxda oo ku adan howshooda shaqo .

Gudiga arimaha laga sugayo waxaa ka mid ah inay kala cadeeyaan in Afarsano kadib dalkaan ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka inay ka soo tala bixiyaan in dalkan ay doorasho hal cod iyo hal qof ka dhaceyso iyo inkale ka hor sanadka 2020.

Prof. Jawaari oo ay ka muuqatay kul kuleel ayaa xusay in loo baahan yahay in inta uusan dhammaan sanadkaan 2017 guddiga doorashada ka dhawaajiyaan haddii ay macquul tahay in sanadka 2020 la qabto doorashada qof iyo cod.

Jawaari ayaa guddiga doorashada ku yiri “ waxaan idiin sheegayaa labada aqal ee Baarlamaanka macquul maahan inay sugaan inta laga gaarayo 2019, kadibna la dhaho waxaa la fiirinayaa suurtagalnimada inay wadanka ka dhici karto doorasho qof iyo cod, waxaa la idinka rabaa inaad hadda bilawdaan sanadkaan 2017 howsha ku aadan doorashada 2020, ma idinka yeeleeno inaad gadaal gadaal u shaqeysaan”

“ Haddii aysan macquul aheyn in 2020 la qabto doorasho qof iyo cod ah walaalayaalow yaan been loo sheegin shacabka, hala dhaho lama qaban karo inta aan la gaarin 2020 anagana sanadkan ayaa Baarlamaanka geynaya, waqtiga xil heynta baarlamanaka ayaa dheereynayaa illaa ay ka suurta gasho doorasho hal qof iyo hal cod” ayuu Jawaari hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa ka codsaday guddiga doorashada inay ka dhawaajiyaan waqtiga rasmiga ah oo ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod haddii aysan macquul aheyn wuxu sheegay inuu dalka ku noqon doono doorasho dadban.

“ Haddii shan sano ama lix sano macquul tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah noo sheega, haddii aysan macquul aheyn waxaan isaga laaban doonaa doorashadii hadda dhacday oo kale (Doorasho dadban)” ayuu yiri mar kale jawaari.

Dowladda Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inay dalka ka suurtageliso inuu ka dhaco doorasho ay shacabka codkooda dhiibtaan, haddii ay ku guuleysatana waxay baal dahab ah ka geli doontaa taariikhda umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com