Algiers (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan muhiim ah magaalada Algiers kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Algeria, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada maamulka iyo amniga.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u dhexmaray Wasiirka iyo Maareeyaha Hay’adda Dukumiintiyada iyo Aqoonsiga ee dowladda Algeria, oo ah hay’ad qaabilsan maamulka xogaha muwaadiniinta iyo bixinta dukumiintiyada rasmiga ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, wafdiga uu hoggaaminayo Cali Xoosh ayaa booqday xarunta hay’addaasi, halkaas oo lagu soo bandhigay hababka casriga ah ee loo maareeyo xogaha shacabka iyo nidaamyada aqoonsiga.
Mas’uuliyiinta Algeria ayaa wafdiga Soomaaliyeed uga warbixiyay qaabka ay u shaqeyso Xarunta Qaranka ee Dukumiintiyada iyo Aqoonsiyada Amniga Sare, oo dowladda Algeria u adeegsato la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka iyo kaydinta macluumaadka muwaadiniinta.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Algeria ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta nidaamyada aqoonsiga casriga ah, si loo xoojiyo amniga gudaha iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.
Dhankiisa, Wasiir Cali Xoosh iyo xubnaha la socda ayaa qiimeyn ku sameeyay hababka ay u shaqeeyaan hay’adaha Algeria ee soo saara baasaboorrada, kaararka aqoonsiga iyo ruqsadaha kala duwan, iyagoo daneynaya sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradaha jira.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka iskaashi iyo is-dhaafsiga khibradaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

















